Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo gaarey Caasimadda wadanka Algeria

0

Algiers-Algeria 02,May, 2025: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria.

 

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Algiers kusoo dhoweeyay dhigiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka ee wadanka Algeria Ibrahim Boughali iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka wadankaas oo uu wehliyo safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya wadanka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan ( Yusuf Jeego).

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb geli doona shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalmaha soo socda si rasmi ah u furmi doona, halkaas oo uu ka jeedin doono khudbad uu kaga hadli doono muhiimada uu shirkan u leeyahay dalkeena oo sanadkan looga hadli doono arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa inta uu joogo wadanka Algeria waxa uu la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dalkan Algeria oo sanadkan shirka marti gelinaya, asigoo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doona guddoomiyaasha baarlamaanadda shirka ka qeyb galaya.

May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people, the Oval Office, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of ‎2 people, the Oval Office, dais and ‎text that says "‎الاتحاد والثلاثون البرلماني 38 J0 التامن العربي المؤتمر उजरরে 04 골비어 2025 مايو أبار 04 03 03 الجزائر 0m4‎"‎‎May be an image of ‎2 people, dais and ‎text that says "‎8 والثلايون التامن اناون الموتمر ن الجزانر 03 04 04-03 أپار/ا أيار / Lo ه‎"‎‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here